Xeer-Hoosaadka

Terms & Conditions

Boggaan waxaad kahelee xeerarka Hurbad oo qoraal ah.
Fadlan akhriso si aad u fahamto.

Hurbad Institute of Technology·hurbad.com
1

Beec Mahan — No Resale

Koorsooyinka Kujira madasha Hurbad.com waxaa leh milkiyadooda Hurbad.com. Ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website Hurbad.com ama Hurbad APP. Koorsooyinka lama iibsan karo qof kale.
2

La Dagis Waa Mamnuuc — No Downloading

Koorsooyinka Hurbad waa Dalbo oo Daawo Durbadiiba (Streaming Only). Loomana ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada. Waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka ama aad usoo daabacato slides/eBooks hadduu lasocdo koorsada.
3

Hal Arday, Hal Account — One Account Per Student

Aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Haddii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa. Haddii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Hurbad.com digniin la'aan. Waxaa shuruudaha kamid ah in uu ardaygu yahay mid baranaya koorsooyinka uu ka diwaan gashanyahay. Haddii uusan baranayni waa ay kaxirmayaan. Waxaa kaloo laga rabaa ardayga in uu Profile kiisa saarto sawir ah Passport Photo 6×6 — account kii lahayn sawirka ardayga waa la xirayaa.
4

Hurbad Diploma

4.1

Ardayga dhameeya Diploma waxaa laga rabaa in kuu keeno aqoonsi sida Passport, Driving Licence, warqad sugnaasho, warqad dhalasho, ama shahaado dugsi sare — iyo sawir Passport Photo Size 6×6.

4.2

Ardayga dhiganaya diploma waxaa laga rabaa in uu haysto aalad (Laptop) iyo internet joogto ah. Wixii qalab ah ee laga rabo waa in ardaygu soo iibsadaa; wixii software ah school ka ayaa siinaya. Ardaygii laga dareemo waxbarasho diyaar u ahayn, waqti galiwaaya cashira, ama fudayd/dagdag waa laga saarayaa diploma — lacagtiisa waa loo celinayaa hadduu daawin laabo cutub kabadan ee koorsada, balse hadduu badan daawado lacag looma celinayo.

4.3

Fee-ga Diploma: haddii aad bil-bil u bixinayso iska hubi inaad kubixiso bilwalba 1–5 bisha. Ardaygii kadib dhaca 5 bisha waa laga saarayaa diploma waana la tirayaa account kiisaa digniin la'aan. (Haddii aad account u lahayd kahor kujirista diploma, account kaaga ma tiraayo — koorsooyinka diploma kaliya ayaa kabaxaya.)

4.4

Fee-ga Diploma celis malahan haddii aad wada bixisay ama aad qayb bixisay.

4.5

Ardayga doonaya in cilad laga caawiyo waa inuu waqti gaar ah macalimiinta ama Hurbad Coaches la balamo. Waxaan adeegsan doonaa RustDesk si laguu caawiyo — fadlan hubi in software kaas ay kuugu jirto computerkaaga. Tablet ama Mobile Phone kaliya lama ogola koorsooyinka Diploma — waxaa shuruud ah Laptop/Desktop + Google Chrome. Haddii aad Hurbad APP adeegsanayso, hubi inaad browser login ka tahay APP ka.

4.6

eWaxbarasho+ waa koorsooyin muuqaalo ah oo wata macalin kula xisaabtamaya. Mahan macalin si fogaan arag ama Zoom ah — waa Self-Paced learning.

4.7

Ardayga dhiganaya Diploma waa inuu raacaa talada macalinka; asagu ma tashan karo oo barana karo koorsada oon doono.

4.8

Admin Fee-ga Diploma waa inuu bixiyo ardaygu kahor inta imtixaanka laga qaadin. Ardayda East Africa joogta: $115. Ardayda Dibadda joogta: $160. Ardaygu marka diyaar garoobayo imtixaanka (mudada 12 bilood gudahood) waa inuu Admin Fee soo bixiyo kahor inta uusan galin imtixaanka.

4.9

Ardaygii xiriir kiisa lawaayo ama WhatsApp ka fariimaha kasoo jawaabi waaya mudo 7 maalin waa laga saarayaa Diploma. Sidoo kale, mudada laguu qabtay hadduu kusoo dhamaysto waayid ama projects kusoo mugdib wayso waa laga saarayaa digniin la'aan — ilaa ow keeno cudur-daar la aqbali karo.

4.10

Marka ardaygu dhameeyo diploma exam ow baaso waxaa loo daabacayaa shahaado iyo ID card. East Africa: $100 (shahaado + ID Card) + $15 delivery. Europe/America: $100 + $60 delivery. Fadlan qorshaha ku darso in qarash kaas lagaa rabo marka aad dhamayso diplomada.

4.11

Ardayga fee-ga diploma iska yaryaraynaya waa inuu bixiyaa bilwalba bilowgeeda (1–5 bisha payment plan ka ow doortay). Ardaygii contract diplomada baxa waa laga saarayaa; courses waa lagala noqonayaa; account waa la xirayaa (koorsooyinkii hore haystay moyee). Haddii lagaa saaro, dib ugu soo noqoshadu lama yeeli doono — waa inaad dib isku soo diiwaan galisaa sidii arday cusub.

5

eWaxbarasho Macalin Malahan — Self-Paced Learning

Waxbarashada madasha Hurbad.com waxay ku dhisantahay muuqaalo iyo qoraal ardaydu iskiis u baranayaan asagoo raacaya tilmaamaha muuqaalka. Mana lahan meel loola laabto wixii suaal ah — marka laga reebo ardayda dhigata Diplomooyinka. Waxaa jiraa caawin guud oo ku aadan qaabka adeegsiga madasha, sida loo barto koorsada, software/lab errors — balse majirto macalin si waco loola xiriiro oo cashirka fahamsiiyo.
6

Qiimaha — Pricing

Qiimaha koorsooyinka kujira madasha Hurbad.com waa is badali karaan xili walba. Go'aanka qiimaha waa mid ugaar ah maamulka Hurbad.com.
7

Halmar Dalbo, Waligaana Daawo — Lifetime Access

Dhamaan koorsooyinka madasha Hurbad.com waa halmar dalbo, waligaana daawo. Shuruud: haddii koorsada ay leedahay Mudo-xileed (badanaa 3–4 sano) oo ay howlgab noqoto ama waa koorso aan lahayn imtixaan balse cilad farsamo ay kusoo baxdo — waa laga saarayaa madasha qaybta diiwaan galinta. Ardaygii horay uga diiwaan gashnaa waa ay ku jiraysaa account kiisa My Courses insha Allah.
8

Coupon Codes

Coupon code-yada waxaa lagu adeegsan karaa hal account, halmar oo kaliya.
9

Koorso Badalis — Course Exchange

Waxaa laguu badali karaa koorso haddii aadan daawan 5 cashir iyo mudada aad iibsatayna aysan dhaafin 14 maalin.
10

Xogtaada — Your Data & Privacy

Ardayga ka diiwaan gashan madasha Hurbad.com wuxuu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo. Hadduu doonona wuxuu katidhikari karaa xogtiisa madasha. Hurbad waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale. Xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha Allah.
11

Xuquuqda Ardayga — Student Rights

Hurbad waa madal eWaxbarasho oo la jaanqaadaysa sharciyada dunida udagsan ee ku aadan xuquuqul insaanka. Hurbad waxay utaagantahay hormarinta bulshada afsomaliga kuhadasha. Waxaan Hurbad kusoo dhawaynaynaa dhamaan ardayda doonaysa ewaxbarasho ee ku salaysan sinaan, calaadad, afgarad, dulqaad, naxariis.

Faahfaahin — Questions?

Haddii ay jiraan wax suaal ah ood ka qabto qodobada kor ku xusan fadlan nagala soo xariir: